Hymn Somalii.doc

(22 KB) Pobierz
Soomaaliyeey toosoo (Somalio, przebudź się)

Soomaaliyeey toosoo (Somalio, przebudź się)

 

Soomaaliyeey toosoo

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taagdaranee

Taageera waligiinee

 

Idinkaa isu tooqaayoo

Idinkaa isu taamaayee

Aadamuhu tacliin barayoo

Waddankiisa taamyeeloo

 

Sharcigaa isku kiin tolayoo

Luuqadaa tuwaaxid ahoo

Arligiina taaka ahoo

Kuma kala tegeysaan oo

 

Tiro ari ah oo dhaxalaa

Sideed laydin soo tubayoo

Ninba toban la meel marayoo

Cadowgiin idiin talin oo

 

Tuldo geel ah oo dhacan baad

Toogasho u badheedhanee

Ma dhulkaas dhanee tegeybaan

Ninna dhagax u tuurayn

 

Quaran aan hubkuu tumayo

Tooreyda dhaafayn

Oo aan taar samayn karin

Uur kutaallo weynaa

 

Hadba waxaan la taahaayoo

Togagga uga qaylshaa

Nin dalkiisii cadow taaboo

U tol waayey baan ahayee

 

Hadba waxaan laa ooyaayoo

Oo ilmadu iiga qubaneysaa

Iqtiyaar nin loo diidoo

La addoon sadaan ahayee

 

...
Zgłoś jeśli naruszono regulamin